CORONAVIRUS (COVID-19) RESOURCE CENTER Read More
Cudurka Dhimirka ee Caruurta

Waa Maxay Cabsida Aan Salka La’hayn?

Dad badan baa waxay mararka qaar dareemaan walaac, dareemida walaacuna waa qeyb caadi ah oo nolosha ka mid ah,. Si kastaba ha noqotee, ilmaha ama dhalinyarada badana walaaca dareema wax badan ama muddo dheer waxaa laga yaabaa inay qabaan cudur qiiro oo loo yaqaano a walaaca aan sal la’hayn.

Cudurka walaaca waa cudurka dhimirka kaasoo ilmaha ilmaha iyo dhalinyarada ka buuxin kara walaac iyo cabsi. Cudurka walwalka waa mashaakilka cudurka dhimirka ee ugu caansan kaasoo asiiba caruurta iyo dhalinyarada.

1. Kala Guurida Cabsida Aan Salka La’hayn

Caruurta la il daran cudurka kala soocida walwalka waxay leeyihiin walwal badan ama baqdin la xiriirta kala noolaanshaha guriga ama qofka daryeela sida waaldika. Walwalka kala guurida waa wax soo wada mara dhamaan caruurta iyo dhalaanka, balse kuma badna caruurta waaweyn ama dhalinyarada. Caruurta uu asiibo kala guurida waxaa laga yaabaa inay diidaan inay iskuulka aadaan ama ay sariirta kaligood tagaan.

2. Cabsida Welwelka oo Dhamaystiran

Caruurta la ildaran xanuunka welwelka oo dhamaystiran waxay si aad ah uga walwalaan arimo fara badan. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inuu ilmaha ka walwalo inay howlaha si wanaagsan u guteen. Waxay sidoo kale laga yaabaa inay ka welwelaan masiibooyin soo socda. Ahmiyad siinta welwelkooda waxaa laga yaabaa inay ka gudbaan hal mushkilad una gudbaan mushkilad kale. Welwelkooda dartiis, caruurta waxaa laga yaabaa inay noqdaan kuwa si aad ah u adeeca, xummo ka hufan, ama aanan nafsadooda is hubin. Waxaa laga yaabaa inay ogolaansho dad kale ka raadiyaan sidoo kalena ay u baahdaan in marwalba waxqabadkooda looga sheekeeyo iyo welwelkooda.

3. Ka Cabsiga Bulshada

Ka cabsiga bulshada waa cabsi dhib badan oo soo jireen ah oo la xiriirta xaaladaha bulshada. Caruurta da’da yar waxaa laga yaabaa inay walaacooda ku cabiraan iyagoo ooya, xanaaq furka la tuura, barafooba, ku dhega qofka weyn ee ay weji yaqaanaan, ama u muuqda inay aad u xishoonayaan asaaska bulshada. Caruurta waaweyn waxaa laga yaabaa inay dhib ku qabaan iskuulka, ay diidaan inay iskuulka aadaan, ama inay ka fogaadaan arimaha bulshada inay kala qeyb qaataan caruurta da’dooda ah.

4. Xanuunada Waswaaska

Caruurta la il daran cudurka isku dirqinta waxa mar walka ku taagan wuxuu leeyahay iska dhex galid, inaanan la dooneyn, iyo ku soo celcelin talooyin. Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay yeeshaan baahi aanan la xukumi karin si ay u sameeyaan dabeecan waqti dhumin ah oo soo noqnoqod leh. Waxyaabaha mar walba ilmaha maskaxdooda ku taagan waxay ka dhigaan kuwa walaacsan, waxayna isku dirqinta si ku meel gaar ah u yareysaa welwelkooda. Tusaalooyinka caanka ah ee cudurka isku dirqinta waxa mar walba ku taagan ee caruurta waxaa ka mid ah ku noqnoqoshada gacmo dhaqashada, tirinta waxyaalaha iyo wax raadinta.    

5. Cabsida ka Dhalata Masiibada Kadib

Ilmaha la ildaran cudurka cabsida ka dhalata musiibada kadib waxay la kulmaan baqdin iyo cabsi la xiriirta xusuusashada masiibada kadib. Tusaalooyinka dhacdooyinka musiibada waxaa ka mid ah ilmihii oo la fara xumeeyo ama gacan ka hadal u soo jooga. Caruurta la ildaran cudurka cabsida ka dhalata musiibada kadib waxaa laga yaabaa inay habeenkii qarwaan iyo/ama inay masiibadii dib u matalaan. Waxaa laga yaabaa inay muujiyaan xiiseyn la’aan ciyaarihii ay horey u jeclaan jireen ama ay u muuqdaan inay dadka ka go’an yihiin ama aysan dareen laheyn. Xasuusinta dhacdadii way murugeysaa, waxaana laga yaabaa inay aad uga caroodaan una walwalaan.

Macluumaad Dheeri ah oo ku Saabsan Xanuunada Walwalka Aan Salka La’hayn.

Calaamadaha jireed waa kuwa caan ah marka ay caruurta ay la ildaran yihiin welwel daran. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah:

  • Wareer, laba labo, iyo wadno garaac degdeg ah
  • Madax xanuun
  • Nasasho la’aan, daal, hurdada uu dhib ku qabo
  • Ahmiyad siinta waxa uu qabanayo oo yar.
  • gariir, murqaha oo kacsan, dhidid
  • calool xanuun iyo shuban

Waxaa sidoo kale jira xaalado caafimaad iyo kuwa dhimireed oo leh calaamado la mid ah kuwa cudurka welwelka. Waxaana sidoo kale macquul ah in uu ilmaha heyn karo cudurka walwalka ama cudur kale sida murugada ama cudurka feejignaan yaraanta/aad u firfircoonaanta fowdada ah. Sidaas darteed waa muhiim in ilmaha lagu sameeyo qiimeyn dhameystiran oo uu ku sameeyo qof ku takhasusay garashada cudurka ee saxda ah.

Waa Maxay Sababaha Xanuunada Walwalka?

Sababta saxda ah ee badanaa keenta cudurada dhimirka si dhamaystiran looma fahamsana. Guud ahaan, cudurka dhimirka waa sabab ka dhalatay fir iyo asbaabo kale oo noolaha la xiriira oo isku dhafan iyo korniinka iyo asbaabo deegaaneed. 

Badanaa ma ahan mid aanan caan aheyn inuu jiro taariikhda qoys leh cudurka walwalka, gaar ahaan keyska cudurka isku dirqinta waxa mar walba qofka ku taagan.

Sidee Loo Daaweeyaa Xanuunada Walwalka?

Cudurka walwalka waxaa lagu daawyn karaa daawo dabiici ah, daawo iyo labadooda oo wada jira. Laba nooc oo daawada dabiiciga ah oo saameyn leh waa daaweynta dabeecadda, taasoo ahmiyad siineysa isbedelka dabeecada; iyo garashada daawada dabiiciga, taasoo caruurta bareysa inay fahmaan islamarkaana ay bedelaan qaabka uu fikirkooda isugu xigo si ay ugu dhaqmaan si ka duwan xaaladaha u keena walwalka.   

Sideen Caawinaad u Helaa?

Ugu horeyntii, la tasho dakhtarka ilmahaaga. Ilmahaaga u dalab baaritaan caafimaad dhamaystiran. Takhtarkaaga u sheeg haday jiraan dabeecado dareen kugu haya. Weydii takhtarkaaga haddii qiimeyn dheeri ah ama daaweyn uu sameeyo dakhtar ku takhasusay mashaakilka dabeecadda ilmaha loo baahan yahay.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad la xiriirto iskuulka ilmahaaga. Waxaa laga yaabaa inay macaliminta iyo la taliyayaasha iskuulka awoodaan inay ku caawiyaan.

Waxaa laga yaabaa inuu ilmahaaga xaq u yeesho inuu adeegyada caafimaadka dhimirka ka helo Qorshaha Caafimaadka Dhimirka ee Degmada. Degmadu waxay leeyahay teleefoon lacag la’aan ah oo shaqeynaya 24 saac maalintii. Waxay awoodaan inay kugula hadlaan luuqadda aad taqaano, islamarkaana ay kaaga jawaabaan su’aalaha la xiriira dabeecada ilmahaaga. Adeegooda iyo lambarada teleefoonadooda waxay ku qoran yihiin bogaga dowladda degmadaada ee ku qoran booga teleefoonada maxaliga ah.

Xageen Ka Heli Karaa Xog Dheeri Ah?

Ururka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(800) 969-6642
http://www.nimh.nih.gov 

Ururka Cudurka Walwalka ee Mareykanka
(240) 485-1001
http://www.adaa.org

Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dhimirka
(888) 826-9438
http://www.nimh.nih.gov